Quantcast
Channel: Dalkanews
Viewing all articles
Browse latest Browse all 13

Ra’iisul Wasaaraha oo la kulmay dhalinyarada, kuna dhiirageliyay inay nabadda ka qeyb qaataan

$
0
0

Muqdisho July 13, 2013—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, ayaa galabta kulan ballaaran la qaatay dhalinyaro tiradoodu gaareyso 250 isugu jiray rag iyo dumar, kuwaasoo ka kala socday ururada dhalinyarada, ardayda Jaamacaddaha iyo kuwa dugsiyada sare ee gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa looga gol lahaa in lagu dhegeysto aragtida dhalinyarada iyo dowrka kaga aadan nabadda iyo horumarinta dalka, kaasoo hal ku dheg looga dhigay kulanka maanta, sidoo kalena loogu gudbiyo fariinta dawladda, waxaana ku wehliyay kulanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Mudane Cabdikariin Guleed, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdixakiin Faqi iyo Wasiirka Horumarinta Adeegga bulshada Drs. Maryam Khaasim.

Dhalinyaradan ayaa ka hadlay xaaladda ay dhalinyarada ku sugan yihiin, waxayna xuseen inay diyaar u yihiin inay qeyb ka qaataan dib u soo celinta nabadda iyo horumarinta dalka, iyaga oo dhanka kalena ka codsaday madaxda in lagu taageero himiladooda mustaqbalka isla markaana fursado loo abuuro.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon oo la hadlay dhalintan ayaa u sheegay inay yihiin mustaqbalka dalka, isla markaana ay ka fogaadaan qabiilka, argagixisada iyo xumaanta.

“Dhalinyarada maanta iga hor muuqata waxaan ku baraarujinayaa inay ka qeyb qaataan sugidda amniga iyo xasilinta dalka, haddii aan dawladdu helin kaalinta dhalinyarada ee sugida amniga runtii wey adkaaneysaa in la helo amni, maalin kastana waxaad arkeysaan walaalihiina iyo waalidiintiina oo hortiina lagu leynayo si gardarro ah” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhalinyarada ku adkeeyey in ay xiriir wada shaqeyn dhow la yeeshaan hay’addaha amniga ee dawladda si looga hortago qaraxyada iyo falalka kale ee nabadda lidiga ku ah.

“Waxaad tihiin madaxdii mustaqbalka hogaamin laheyd dalka, anagu waxaan diyaar u nahay inaan idinku wareejino kuraasta, balse idinkana waxaa la idinka doonayaa inaad noqotaan dhalinyaro xil kas ah oo hufan” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo tusaale u soo qaatay dhalinyaradii SYL ee dalka u horseeday xornimada.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ayaa soo jeediyay kulan ballaaran oo loogu magac daro “Shirweynaha Dhalinyarada”, inay soo agaasinto Wasaaradda adeegga bulshada oo ay hoostagto Wasaaradda Dhalinyarada, kaasoo socon doona muddo 3 cisho ah, si loo helo talo wadaag dhalinyarada iyo dawladda dhex mara.

Kulankan galabta dhex maray dhalinyarada iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha xukuumada ayaa qeyb ka ah, qorshaha cusub ee uu dhowaan ku dhawaaqay Ra’iisul Wasaaraha kaasoo looga gol leeyahay iskaashi buuxa oo dhex mara qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xukuumada, si loo horumariyo nabadda iyo degaanshaha dalka 22 sano kadib.

Garad Salad Hersi
Press officer, PM office
Mob.+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia

 

dalka@dalkanews.com,


Viewing all articles
Browse latest Browse all 13

Latest Images

Trending Articles





Latest Images